HomeCaalamkaHaweeney Soomaali oo lagu soo oogay dilka wiil yar oo ay Ayeeyo...

Haweeney Soomaali oo lagu soo oogay dilka wiil yar oo ay Ayeeyo u ahayd

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Foos Cabdi Xaashi oo 70-jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay. Boliska Degmadda  Milpitas  ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Foos Cabdi Xaashi oo 70-jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay.

Boliska Degmadda  Milpitas  ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee isbuucii hore, kadib, markii laga so owacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday Isbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaalladda San Faransiisko.

- Advertisement -

Gabar la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Boliska inay daawanaysay markii ay Ayeeyada  wiilka yar dhulka ku tuurtay.

Ayeeyada waxay Boliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto.

Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka.

- Advertisement -

Dacwad-ooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacadaasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu  tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub, waa sida hadalka loo dhigay.

Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dacwadaha lagu soo oogay way ka gaabsatay inay qirato eedeymaha loo haysto.

Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi oono bisha soo socota ee May 8-da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25-sanno, haddii lagu helo dilka wiilka yar ee ay Ayeeyada u ahayd.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts