HomeWararMadaxweyne Farmaajo iyo Hoggaamiyeyaal kale oo ka qeyb galaya Shir ka furmaya...

Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaamiyeyaal kale oo ka qeyb galaya Shir ka furmaya Qaahira

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa maanta ka furmi doonaa 2 Shirweyne oo Degdeg ah oo ay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika kaga wada xaajoon doonaan Xiisadaha haatan ka aloosan dalalka Sudan iyo Libiya. Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha sannaadkan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi ayaa guddoominayo Shirweynahaasi oo ay Madaxda Afrika ku lafa-guri doonaan Aragti […]

- Advertisement -

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa maanta ka furmi doonaa 2 Shirweyne oo Degdeg ah oo ay Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika kaga wada xaajoon doonaan Xiisadaha haatan ka aloosan dalalka Sudan iyo Libiya.

Madaxweynaha dalka Masar, ahna Guddoomiyaha sannaadkan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi ayaa guddoominayo Shirweynahaasi oo ay Madaxda Afrika ku lafa-guri doonaan Aragti Mideysan oo wax looga qaban karo Xaalladaha Suudaan iyo Liibiya, iyadoo la og yahay inay Quwado shisheeye faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee dalalkaasi.

- Advertisement -

Madaxda Afrikaanka ee ka qeyb galay shirweynahaasi waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Ururka Midowga Afrika ee AU-da iyo Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Jabuuti, South Africa, Chad, Rwanda, Kongo iyo Saraakiil kale oo ka kala socda dalalka Kenya, Ethiopiam Uganda, Nigeria iyo South Sudan.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo haya Xilka Guddoonka urur-gobaleedka IGAD ayaa ka baaqday Shirka Qaahira, waxaana uu soo diray wafdi uu hoggaaminayo Ku-xigenkiisa, Demeke Makonen.

Ethiopia iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf dhanka Biyaha ee Webiga Niil, iyadoo  Dowladda Masar cabasho xooggan ka muujisay saaamiga biyaha ee ay ka helaan Webiga Niil, iyadoo  ay Dowladda Ethiopia biyo-xireen weyn ka dhisatay qulqulka Biyaha Webiga Niil.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories