HomeCaalamkaKalluumeysato u dhalatay Hindiya oo la sii daayey

Kalluumeysato u dhalatay Hindiya oo la sii daayey

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan. Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kalluumeysatada lagu wareejiyey Mas’uuliyiinta Hindida ee ku sugan goobta laga tallaabo Xuduudka ee Wagha ee u dhexeysa labada Waddan. Idaacadda Express […]

- Advertisement -

Dowladda Pakistan waxay shalay oodda ka qaaday in ka badan 100 Kalluumeysato Hindi ah, kuwaasi oo la qabtay, xilli ay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xuduud-baddeedka Pakistan.

Sii-dayntooda ayaa lagu micneeyey Niyad Wanaajin, waxaana Kalluumeysatada lagu wareejiyey Mas’uuliyiinta Hindida ee ku sugan goobta laga tallaabo Xuduudka ee Wagha ee u dhexeysa labada Waddan.

- Advertisement -

Idaacadda Express News ayaa sheegtay in Kalluumeytadaasi la sii daayey ay yihiin qeybtii 3-aad ee Kalluumeystada Hindiya ee bishan laga sii daayey Xabsiyadda dalka Pakistan.

Bilowgii bishan, Dowladda Pakistan waxay ku dhawaaqday in la sii dayn doono 355 Kalluumeysato Hindi ah iyo 5 Maxaabiis, kuwaasi oo dhamaystay xabsigi ilagu xukumay.

Kalluumeysatada Hindida ee ku harsan Xabsiyadda Pakistan waxaa la filayaa in la sii daayo bishan April 29-da.

- Advertisement -

Tallabadaasi waxaa soo dhaweeyey dadka u ololeeya Nabadda, iyadoo ay dalalka Pakistan iyo Hindiya bsihii Feberaayo isweydaarsadeen duqeyn dhanka cirka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories