HomeWararHogaamiyeyaasha Afrika oo Xilli kordhin u sameeyey waqtiga kala-guurka Suudaan

Hogaamiyeyaasha Afrika oo Xilli kordhin u sameeyey waqtiga kala-guurka Suudaan

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Hoggaaamiyayaasha dalal ka tirsan Ururka Midowga Afrika waxay maanta Shirweyne Hal Maalin ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee Al-itixaadiyah oo ku yaalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Kulankaasi waxay Madaxda aad ugu lafa-gureen  xal-u-helista Arrimaha dalalka Sudan iyo Libiya, waxayna isku raaceen in la dedejiyo dib-u-soo-celinta Nidaamka Dastuuriga, lana dhamaystiro Hawlaha lagu soo celinayo […]

- Advertisement -

Hoggaaamiyayaasha dalal ka tirsan Ururka Midowga Afrika waxay maanta Shirweyne Hal Maalin ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee Al-itixaadiyah oo ku yaalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Kulankaasi waxay Madaxda aad ugu lafa-gureen  xal-u-helista Arrimaha dalalka Sudan iyo Libiya, waxayna isku raaceen in la dedejiyo dib-u-soo-celinta Nidaamka Dastuuriga, lana dhamaystiro Hawlaha lagu soo celinayo Dimuqraadiyadda dalkaasi.

- Advertisement -

Madaxweynaha Masar, ahna Guddoomiyaha Xilligan ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Al-sisi oo ka hadlay gebagebadii Shirkaasi

Waxa uu bogaadiyey dhamaan Shacabka Suudaan sida nabad ah ay ku muujiyeen Rabitaankooda, wuxuuna ku baaqay in la dhowro Madax-bannaanida dhuleed ee dalkaasi, lagana hortago inay qas-wadayaal u gdubaan dalkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Masar, Basaam Radai oo soo saaray hadal-qoraal oo loogu talagalay Suxufiyiinta ayaa sheegay in Shirweynaha looga hadlay Arrinta dalka suudaan muhiim u tahay Masar in la iftiimiyo xaalladda haatan ka jirta dalkaasi.

- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha ka qeyb galay Shirkaasi, waxay bogaadiyey  Dadaalka uu  Guddoomiyaha Ururka AU-da, Muuse Faki Maxamed ku doonayo xal-u-helista Xiisadda dalka Suudaan.

Muusa Faki Maxamed oo dhawaan booqday dalka Suudaan waxa uu tilmaamay inuu soo arkay  kumanaan dadka Suudaan oo Waddooyinka taagan.

Waxa uu tilmaamay inay Golaha Milliteriga ee haya Talada Suudaan ballan qaadeen inay muddo 15 maalmood ah talada ku wareejin doonaan Dowlad Rayid ah.

Ugu dambeyntii Hoggaamiyayaasha Afrika ee maanta kulan ku yeeshay magaalladda Qaahira waxay isk uwaafaqeen in Xilliga loo kordhiyey Xil-wareejinta Golaha Milliteriga haya talada Suudaan oo la gaarsiiyo 3 bilood si loo soo dhiso Dowlad Rayid ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories