HomeCaalamkaDalka Maali oo yeeshay Ra’iisul Wasaare Cusub

Dalka Maali oo yeeshay Ra’iisul Wasaare Cusub

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise  u magacaabay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi. Magacaabistan ayaa timid, maalmo kadib, markii  ay is-casileen Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Sumeylo Buubeye Mayga iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan Maleeshiyo Beeleedyo Xoolo-dhaqato iyo Beeralay oo ku nool Waqooyiga dalkaasi. Bishii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise  u magacaabay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Magacaabistan ayaa timid, maalmo kadib, markii  ay is-casileen Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Sumeylo Buubeye Mayga iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan Maleeshiyo Beeleedyo Xoolo-dhaqato iyo Beeralay oo ku nool Waqooyiga dalkaasi.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay ee Maarso, iska horimaad dhex maray Beelahaasi waxaa lagu dilay 160 qof oo ka soo jeeda Xoolo-dhaqatada Beesha Fulaani.

Dhinaca kale, weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay Axaddii la soo dhaafay, kadib, markii dabley aan la aqoonsanin beegsadeen Saldhig Milliteri, oo ay ku dileen 11-Askari, kuna gubeen Xeradaasi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories