HomeWararRW ku-xigeenka dalka oo ku Baaqay dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

RW ku-xigeenka dalka oo ku Baaqay dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mduane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay shir waynaha  culimada Soomaaliyeed, ayaa ku booriyay culimada in ay asaasaan Golaha culimaa udiinka Soomaaliyeed.

Khudbad uu Shirka ka jeediyay ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Culimadu waligeed ay dawr muhiim ah ku lahaayeen aasaaska, horumarinta iyo hagidda dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, hadana laga doonayo iyaga oo midaysan in ay kala shaqeeyaan dawladda dhismaha dawlad wanaagga iyo hir-gelinta dastuur heshiis lagu yahay oo aasaas ay u tahay shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay dalka ka jirto dhibaato amni oo salka ku haysa afkaar qaldan, sida kaliya ee looga guulasayn karaana ay tahay in culimadu iyaga oo wadajira ay dawrkooda ka qaataan oo umadda u sheegaan dhibaatada uu leeyahay fikirka xag-jirnimada ku salaynsan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka dalbaday culimada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hor tagaan arrimaha shareecada ka hor imaanaya, Horumuudna ay u noqdaan horumarka dalka iyo  dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa raaciyay In ay muhiim tahay in culimo, shacab iyo dawladba ay isu kaashadaan hir-gelinta natiijada kasoo baxda shir waynaha  culimada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay furay Shir waynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo kaalinta culimada Soomaaliyeed ee Geedi Socodka Amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka, ayna kasoo qayb galeen Culima Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories