HomeCaalamkaQM oo bixisay mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ka howlgala Soomaaliya

QM oo bixisay mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ka howlgala Soomaaliya

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

QM ayaa la sheegay inay Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia siiyeen lacag dhan 3.75 Billion oo Shillinka Kenya ah.

Shabakadda Wararka ee businessdailyafrica.com ayaa qortay inay QM dib-u-bixin u sameeyeen Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, iyadoo ay QM bishii hore bixisay lacagtaasi oo qeyb ka ah sannad Maaliyadeedka haatan oo ku ekaan doonta bisha June ee soo socota.

- Advertisement -

Dukumentigii u dambeeyey ee Macaamilka Lacageed ee Wsaiirka Maaliyadda Kenya, Henry Rotich waxa uu muujiyey Dib-u-soo celinta Lacagaha Hawlgalka AMISOM gaartay 3.757 Billion oo Shillinka Kenya bishii March ee la soo dhaafay 29-da.

Maaliyadda Kenya ayaa la sheegay inay heleen oo keliya lacag dhan 10.20 million ee Shillinka Kenya ilaa bishii Feberaayo, taasi oo micnaheedu yahay in dib-u-bixintaasi la micno tahay in la bixiyey Rubuc, iyadoo dowladda Kenya walaac ka muujisay arrintaasi.

Lacagaha ay QM dib u soo celisay bishii March waxay gaartay 44.2% ee sannadkan, iyadoo ay labo bilood  iyo bar laga gudbay.

- Advertisement -

Wadarta guud ee Lacagaha la bixiyey saddexda rubuc waxay gaaraysaa 922.87 million oo Shillinka Kenya, taasi oo aad uga yar marka la barbar dhigo lacagihii 4.68 Billion oo Shillin ee la bixiyey  xilligan oo kale sannadkii hore ee 2018-kii.

Dowladda Kenya waxay QM ka codsanaysaa inay  lacag badan dib u soo celiyaan sannadkan, iyadoo miisaaniyadda QM ee afartii sanno ee la soo dhaafay ahayd 6.1 Billion oo Shillinka Kenya.

4,000 oo Askar Kenyan ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay Beesha Calaamka Askari kasta oo ka tirsan AMISOM bishiiba mushaar ahaan u siiyaan lacag dhan 1,028 Dollar, iyado oay Dowladaha ay ciiddankaasi ka soo jeedaan ay Askari kastaba mushaarkiisa ka jartaan 200 Dollar bil kasta.

Ciiddanka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxay ka soo kala jeedaan dalalka Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya iyo Sierra Leone.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories