HomeCaalamkaMasjid iyo goobo Ganacsi oo ku yaalla Sri Lanka oo la weeraray...

Masjid iyo goobo Ganacsi oo ku yaalla Sri Lanka oo la weeraray iyo Mareykanka oo Digniin diray

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kadib, qaraxyadii silsiladaha ahaa ee shalay ruxay dalkaasi ayaa waxaa la soo werinayaa in xalay Bambooyin lagu weeraray Masjid ku yaalla W/galbeed ee dalka Sri Lanka, waxaana dab la qabadsiiyey 2 Dukaan oo ay Ganacsato Muslimiin ah ku lahaayeen Galbeedka dalkaasi.

Dowladda Sri Lanka weli kama aysan hadlin, mana jiraan dad loo soo qabtay weerarka bamka ee lala beegsaday Masjidka iyo goobaha Ganacsi ee la gubay.

- Advertisement -

Weerarka ka dhanka ah Muslimiinta ku nool dalkaasi ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Golaha Muslimiinta Sri Lanka ee (The Muslim Council of Sri Lanka) cambaareeyeen qaraxyadii shalay lala beegsaday Kaiisadaha iyo Hoteelladda ku yaalla dalkaasi.

Goluhu waxay sheegeen in qaraxyadaasi lagu dilay dad aan waxba galabsanin, isla markaana ay Kooxo rabshado wada geysteen qaraxyadaasi, kuwaasi oo doonaya in lagu kala qeybsamo Diin ahaan iyo dadka laga tirada badan yahay.

Wararka kale ee naga soo garaayo dalkaasi waxay sheegayaan in saakayto la qaaday Bandowgii shalay lagu soo rogay caasimadda dalkaasi ee Kolombo.

- Advertisement -

Boliska ayaa la sheegay inay wadaan hawlgalo lagu xiray dadka Muslimiinta oo ay ku eedeynayaan qaraxyadii shalay lala beegsaday Kaniisado iyo hoteelo, oo ay ku geeriyoodeen 290-qof, kuna dhaawacmaan 500 oo kale.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa soo saartay digniin ku aadan weerar iyo qaraxyo mar kale ka dhaca dalka Sri Lanka.

Digniinta waxaa lagu shegay inay suurtogal tahay in weeraro iyo qaraxyo lala beegsado goobaha Dalxiiska, Gaadiidka, Dhismayaasha laga dukaamaysto, Hoteelladda, Kaniisadaha, Garoomadda Diyaaradaha iyo deegaanadda kale ee ay dadweynaha.

Qaraxyadii shalay lala beegsaday Kaniisado iyo Hoteelo casri ah ayaa la sheegayy in dadka lagu dilay ay ku jireen 36 qof oo Shisheeye ah, iyadoo 9 kalena la la’ yahay.

Ajaaniibta ku geeriyootay qaraxyadaasi waxay ka soo kala jeedaan dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Britain, Shiinaha, Australia, Holland, Turkiga, Hindiya iyo Portuqiiska.

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories