HomeCaalamkaMadaxweynihii hore ee Suudaan oo cuntada diiday, lagana daaweeyey Cuddurka Istarooga

Madaxweynihii hore ee Suudaan oo cuntada diiday, lagana daaweeyey Cuddurka Istarooga

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee skynewsarabia.com ayaa qortay inuu Cumar Xasan Albashiir inuu dhowr malamood ka hor la xanuunsaday dhiig maskaxda kaga furmay (Stroke), waxaana daaweyn loogu qaaday Isbitaal, ka hor inta aan dib loogu soo celinin Xabsiga Dhexe ee Kober ee uu ku xirnaa.

Ilo dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in xaalladda Albashiir haatan tahay mid aad u deggan, inkastoo uu  diiday inuu cuntad cuno ama uu daawooyinka qaata, taasi oo sababtay in si khasab ah  Faleebo xididka looga quudiyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska Al-intibaha ee ka soo baxa magaalladda Khartuum waxa uu qoray in qolka uu ku xiran yahay Al-bashiir ee Xabsiga Kobar uu leeyahay Telefishin, Mukayfka Hawada oo ku shaqeeya Biyaha, 2 sarriir iyo 2 kursi.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray inuu Albashiir yahay qofka keliya ee adeegyadaasi ku haysta qolka xabsiga ee uu ku xiran yahay, iyadoo 17-kii xubnood ee horey uga tirsanaa Dowladdii Albashiir ee dhawaan lagu soo xiray Xabsiga Kobar aysan haysan Adeegyadda Telefishinka, Mukayfka iyo qalabka kale.

Qolka uu Madaxweynihii hore ee Suudaan ku xiran yahay waxaa la sheegay inuu mar ku xirnaan jirey Jeneral Saalax Cabdillaahi Qoosh oo ahaa Taliyihii ugu dambeeyey ee Hay’adda Sirdoonka Suudaan ee Xilligii Dowladdii Al-bashiir, kaasi oo mar kale haddana la soo  xiray, kadib, markii Albashiir xilka laga tuuray.

- Advertisement -

Maamulayaasha Golaha Milliteriga ee haya talada Suudaan waxay Madaxweynihii hore ka mamnuuceen inuu isticmaalo Mobayl, tan iyo markii bishan 17-dii loo wareejiyey Xabsiga Kober.

Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan, waxaa horey loogu hayey Guriga Martida ee magaalladda Khartuum, tan iyo markii la afgembiyey bishan 11-dii.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories