HomeCaalamkaDowladda Britain oo laga codsaday inay masaafuriyaan Diplomaasi u dhashay Qatar

Dowladda Britain oo laga codsaday inay masaafuriyaan Diplomaasi u dhashay Qatar

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt in Isbedel lagu sameeyo Sharciga, si Diplomaasiyiinta tacadiyada u geysta Shaqaalaha loo masaafurin lahaa. Maxamuud Axmed oo xilligan Hawlgab ah ayaa waxa uu Tacad iyo Cunsuriyad kala kulmay U-qeybsanaha Caafimaadka ee Safaaradda Dwoaldda Qatar ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt in Isbedel lagu sameeyo Sharciga, si Diplomaasiyiinta tacadiyada u geysta Shaqaalaha loo masaafurin lahaa.

Maxamuud Axmed oo xilligan Hawlgab ah ayaa waxa uu Tacad iyo Cunsuriyad kala kulmay U-qeybsanaha Caafimaadka ee Safaaradda Dwoaldda Qatar ku leedahay caasimadda dalka UK ee London.

- Advertisement -

Dhibanahaasi oo Sarkaal Ammaanka ka ahaa Safaaradda Qatar ayaa waxa uu tacadi kala kulmay U-qeybsanaha Arrimaha Caafimaadka ee Safaaradaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansari, kaasi oo Muwaadinka Somali-Biritishka ugu yeeri jirey Erayo cunsuriyad xambaarsan,  sida Addoonka Madow, Dameer iyo Eey, iyo inuu dhaawaacay Dhibanahaasi sannadkii 2013-kii.

Bishii hore Maxkamadda Shaqaalaha ee magaalladda London waxay heshay inuu Diplomaasiga u dhashay ku xad-gudbay Dhibanaha Hawlgabka ah ee Maxamuud Axmed iyo in dhibaatadii loo geystay laga bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 8,000 oo Giniga Ingiriiska ee Pound.

Dhinaca kale, Xildhibaanka Deegaanka uu deggana yahay Dhibanaha u matala Barlamaanka dalkaasi, Greg Hands waxa uu ka codsaday Dowladda Britain inay garwaaqsadaan in Diplomaasiyiinta lagala laabto Xasaanadda Diplomaasiyadeed haddii ay ku xad-gudbaan shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradaha.

- Advertisement -

Xildhibaankaasi waxa uu qoraal u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt inuu mar kale dib u eego Xukunkii Maxkmaadda sare iyo haddii Talalabo Sharci lagu ciqaabi doono Diplomaasiyiinta Safaaradaha ee Shaqaalahooda kula kaca Tacadiyaddaas oo kale.

Dhibane Hawlgab Maxamuud Axmed horey uma awoodin in Kiiskiisa la dhegeysto ilaa sannadkan 2019-ka, sababo la xiriira Safaaradda Qatar oo iyagu sheegtay Xasaanadda Diplomaasiyadeed ee lidka ku ah cabashadda uu ka gudbiyey Dhibanahaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts