HomeWararSheekh Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay qarax oo lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla...

Sheekh Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay qarax oo lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Masar

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Ururka Majmaca Islaamka ee Culumadda Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa la dhigay Isbitaalka Jamaacadda Al-azhar University Hospital ee Degmadda Nasar ee magaalladda Qaahira, si looga daaweeyo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax bishii la soo dhaafay ee Maarso 28-dii ka dhacay meel ku dhow Xafiiskiisa oo dacalka ku haya Wadadda Maka Al-mukarama […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururka Majmaca Islaamka ee Culumadda Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa la dhigay Isbitaalka Jamaacadda Al-azhar University Hospital ee Degmadda Nasar ee magaalladda Qaahira, si looga daaweeyo dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax bishii la soo dhaafay ee Maarso 28-dii ka dhacay meel ku dhow Xafiiskiisa oo dacalka ku haya Wadadda Maka Al-mukarama ee magaalladdan Muqdisho.

Hormuudka Jamaacadda Al-zahar, Dr, Maxamed Al-maharazaawi ayaa ku booqday Isbitaalka, si uu u hubiyo xaalladda caafimaadka Sheekh  Yuusuf Cali Caynte iyo inuu arko Adeegyadda Daaweynta ee uu u baahan yahay.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Xarunta Warbaahinta ee Al-zahar University ayaa lagu sheegay inay arrintaasi timid, kadib, Jadwalka shaqo ee Iimaamka Weyn ee Al-azhar, Dr. Axmed Al-tayib, si loo daaweeyo Sheekh Caynte.

Xarunta Warbaahinta Alazhar waxay sheegtay in markii uu Sheekh Yuusuf Caynte soo garaay Qaahira sida ugu dhaqsaha badan loogu sameeyey Baaritaanadda muhiimka ah iyo barnaamijka daaweynta muhiimka ah in loo fidiyo.

Isbitaalka Jamaacadda Al-azhar ayaa loo aqoonsan yhaay mid ka mid ah Isbitaalaldda ugu waa weyn daalka Masar iyo guud ahaan dalalka Carabta.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, qraaxa uu Sheekh Yuusuf Cali Caynte ku dhawaacmay oo ka dhacay Muqdisho bishii Maarso 28-dii ee sannadkan ayaa waxa la sheegay inay ku geeriyoodeen  ugu yaraan 15 qof, iyadoo 20-kalena ku dhaawacmeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories