HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kormeer ku tegay deegaano laga saaray Al-shabaab

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kormeer ku tegay deegaano laga saaray Al-shabaab

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey Alshabaab ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah ay u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey Alshabaab ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah ay u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen Alshabaab.

“Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen Al-shabaab oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.

- Advertisement -

“Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories