HomeWararGuddoomiye kuxigeenkii Degmada Maxaas oo qarax lagu dilay

Guddoomiye kuxigeenkii Degmada Maxaas oo qarax lagu dilay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax ka dhacay Maanta halkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaasada degmadaas. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa uu ka dhacay bartamaha Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax ka dhacay Maanta halkaasi lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaasada degmadaas.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa uu ka dhacay bartamaha Degmada,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Guddoomiye kuxgeenkii amniga iyo siyaasada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa ku geeriyooday qaraxaas,waxaana ku dhaawacmay laba Askari ,kuwaasi oo ku sugnaa Maxaas.

Dadka deegaanka oo la hadlay  Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho  ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan,isla markaana jugtiisa si weyn looga maqlay gudaha deegaanka,waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Maxaas,waxaana halkaas ay qaadeen Meydka Guddoomiye kuxigeenka,sidoo kalena goobta ka wada baaritaano kala duwan.

- Advertisement -

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoo sheegay inay ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas,Sarkaal Boolis iyo Ciidamo ilaala u ahaa.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories