HomeCaalamkaSudan oo beenisay inay qaabili waayeen Wafdi ka socday Qatar

Sudan oo beenisay inay qaabili waayeen Wafdi ka socday Qatar

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay maanta beeniyeen warar lagu sheegay inay Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi ku gacan-sayreen qaabilaadda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Bin Jaasim Al-thaani oo shalay booqasho ku tegay magaalladda Khartuum. Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Suudaan waxaa lagu muujiyey inay […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay maanta beeniyeen warar lagu sheegay inay Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi ku gacan-sayreen qaabilaadda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Maxamed Bin C/raxmaan Bin Jaasim Al-thaani oo shalay booqasho ku tegay magaalladda Khartuum.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Suudaan waxaa lagu muujiyey inay socdaan qabanqaabo la xiriirta booqashadda Wafdi heer sare o oka socda Qatar ku tegi doonaan Khartuum.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Milliteriga ee Suudaan, Shamsudiin Kabashi waxa uu beeniyey wararka ay Warbaahintu ku sheegeen inay qaabili waayeen  Wafdigii ka socday dalka Qatar

Inta badan Warbaahinta dalalka Sacuudiga, Imaaaraadka iyo Masar ayaa markii ugu horreysay shaaciyey warka ku aadan inay Golaha ka taliya Suudaan qaabili waayeen wafdi ka socday dalka Qatar.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories