HomeWararMas’uul shaqada looga cayriyey taageeridda Israel oo codsaday in la sugo Ammaankiisa

Mas’uul shaqada looga cayriyey taageeridda Israel oo codsaday in la sugo Ammaankiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore la cayriyey, C/llaahi Dool ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey  Wargeyska  Times Of Israel ee ka soo baxa Israel ayaa sheegay in lagu khasbay inuu soo cararay Somalia, kadib, markii uu mucaarado xooggan kala kulmay hadal uu horey ugu baaqay DFS xiriir Diplomaasiyadeed la yeeshaan […]

- Advertisement -

Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore la cayriyey, C/llaahi Dool ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey  Wargeyska  Times Of Israel ee ka soo baxa Israel ayaa sheegay in lagu khasbay inuu soo cararay Somalia, kadib, markii uu mucaarado xooggan kala kulmay hadal uu horey ugu baaqay DFS xiriir Diplomaasiyadeed la yeeshaan Israel.

Waxa uu sheegay inuusan Masaafuris gelin, balse sababo la xiriira Ammaankiisa uu uga soo cararay dalkiisa.

- Advertisement -

Wareysiga uu Abdullaahi Dool siiyey Wargeyska Times Of Israel oo  ka koobnaa Farriimo E-mail iyo Barta Bulshadda ee WhatsAPP waxa uu ku sheegay inuu ku sugan yahay meel aan ka fogayn dalkiisa hooyo iyo inuu sababo la xiriira Ammaankiisa uu uga soo cararay dalkiisa.

Mar wax laga weydiiyey Qorshaha Mustaqbalkiisa waxa uu xusay inuusan ogeyn waxa Mustaqbalka imaan kara, balse uu xaqiiq ahaan  jeclaan lahaa inuu ku nagaado gudaha dalka Somalia.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu u baahan yahay in la sugo bad-qabkiisa, sababo la xiriira Dacaayadihii laga faafiyey ee sababtay in laga casilo shaqadiisa, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Waxa uu mar kale difaacay Aragtidiisa ee uu horey ugu bidhaamiyey inay DFS xiriir Diplomaasi la yeeshaan Israel, wuxuuna xusay inuu ku qanacsan yahay in xiriir lala yeesho Israel ku jirto waxa u uugu yeeray Danaheenna Guud.

“Mid ka mid ah sababaha, waxaan ugu baahanahay Xiriir aan la yeelano Israel si ka-dhasqo badan sidii hore si ay taasi u keento dhamaadka dagaalka lagula jiro Xag-jirayaasha ee lidka ku ah nolosha dadkeenna” ayuu yiri Abdullaahi Dool.

Wareysiga uu Abdullaahi Dool siiyey Wargeyska Times of Israel waxa uu ku sheegay inkastoo ay Somalia qeyb ka tahay, kana sii ahaanayso Dunida Carabta,  inaysan jirin sababo Somalia ka hor joogsan kara inay xiriir caadi ah la yeeshaan Israel, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay inay jiraan in ka badan 20 Waddan oo Muslim ah oo xiriir Diploamaasi la leh Israel, isla markaana aysan jirin sababo ay Somali xiriir ula yeelan la’dahay Israel.

Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore la cayriyey, C/llaahi Dool waxaa uu ka gaabsaday inuu naqdiyo dadkii ka dambeeyey in shaqada laga cayriyo, balse waxa uuxusay inuu rumeysan yahay in isaga raalli-gelin laga siiyo xilkii laga cayriyey iyo qaladaadkii laga galay Aragtidiisa.

Wargeyska Times Of Israel waxa uu qoray inuu Abdullaahi Dool oo ah aabe 4 carruur leh, kuna dhashay Beled-weyne uu ku soo biiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia sannaadkii 1983-kii, kana soo shaqeeyey  Safaaradaha Somalia ku lahayd Britain iyo Kuwayt.

Abdillahi Dool oo 59-jir ah waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska Times of Isreal ku xusay inuu isaga tegaay  Safaaradda Somalia ee Britain, markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday Somalia, kadibna uu noqday La-taliye Gaar ah.

Sannadkii 2011-kii ayuu sheegay inuu Somalia dib ugu laabtay, isla markaana uu soo  qabtay  xilka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, ka hor inta uusan xilal sare oo kala duwan ka soo qabanin Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ka hor inta aan laga cayrinin xilkii uu ka hayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga bishii hore ee March..

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories