HomeCaalamkaMadaxweynihii hore ee Suudaan oo xabsi loo taxaabay

Madaxweynihii hore ee Suudaan oo xabsi loo taxaabay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Cumar Xasan Al-bashiir oo  Khamiistii hore laga tuuray talada dalkaasi ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Kobar oo ku yaallaa caasimadda dalkaasi ee Khartuum Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa waxay Wakaalladda Wararka REUTERS la wadaageen in Albashiir  saqdii dhexe ee xalay Al-bashiir laga saaray Xabsi-gurigii lagu hayey, isla markaana loo gudbiyey Xabsiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cumar Xasan Al-bashiir oo  Khamiistii hore laga tuuray talada dalkaasi ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Kobar oo ku yaallaa caasimadda dalkaasi ee Khartuum

Xubno ka tirsan Qoyskiisa ayaa waxay Wakaalladda Wararka REUTERS la wadaageen in Albashiir  saqdii dhexe ee xalay Al-bashiir laga saaray Xabsi-gurigii lagu hayey, isla markaana loo gudbiyey Xabsiga Kobar oo ah kan ugu weyn dalkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Suudaan welli kama aysan hadlin warka ku aadan in Albashiir laga saaray Dhismihii lagu ilaalinayey, loona gudbiyey Xabsiga.

Mana kala cadda in Madaxweynihii hore ee dalkaasi la soo maxkamadayn doono iyo in kale iyo waxa uu noqon doono Mustaqbalka Albashiir oo Talada dalkaasi hayey laga soo bilaabo 30-kii bishii Juun ee sannadkii 1989-ki ilaa bishan April 11-da ee sannadka 2019-ka.

Dowladaha Reer Galbeedka waxay u ololeynayaan in Albashiir loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC ee magaalladda Hayg ee dalka Holland, oo horey u sheegtay inay ku soo oogi doonaan dacwado ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, oo ay ka mid tahay xasuuq ka dhacay Gobalka Daarfuur ee Galbeedka dalka Suudaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts