HomeCaalamkaSawirro:-Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Nepal iyo Khasaaro ka dhashay

Sawirro:-Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Nepal iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inay 3 qof geeriyootay, 5 kalena ku dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaarad yar oo ka baxday dhabaha ay Diyaaradaha  soo caga-dhigtaan ay ku dhacday 2 Diyaaradshs Helikopter oo xilligaasi ka duuli lahaa Garoon ku yaalla meel ku dhow Buuraha Himilaaya ee dalkaasi. Shilkaasi waxa uu shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradda ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inay 3 qof geeriyootay, 5 kalena ku dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaarad yar oo ka baxday dhabaha ay Diyaaradaha  soo caga-dhigtaan ay ku dhacday 2 Diyaaradshs Helikopter oo xilligaasi ka duuli lahaa Garoon ku yaalla meel ku dhow Buuraha Himilaaya ee dalkaasi.

Shilkaasi waxa uu shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradda ee Lukla Airport oo ah Garoonka ugu dhibka badan caalamka ee dhanka ka duullista ama ku-degista Diyaaradaha adeegsada Garoonkaasi.

- Advertisement -

Sarkaal lagu magacaabo Ema Nath Adhikari oo ka hawlgala Garoonkaasi ayaa sheegay in Diyaaradda burburtay nooceedu ahaa Let 410 ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Summit Air oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Nepal ee Katamandhu.

Sarkaalka oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay in Duuliye-ku-xigeenkii Diyaaradaasi iyo Sarkaal Boolis ay ku geeriyoodeen isla goobtii uu shilku ka dhacay, halka Askari kalena ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi, sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Boliska dalkaasi.

Lama garanayo waxa sababay shilkaasi, iyadoo Garoonka Lukla airport ay inta badan isticmaalaan Dalxiisayaasha iyo dadka fuula dhakadda Buuraha ku yaalla Gobalka Everest ee dalkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Diyaarad Helikopter oo Bishii Feberaayo ee sannadkan ku burburtay Bariga Buurta Himilaaya waxaa ku geeriyootay 7 qof oo uu ku jiray Wasiirkii Dalxiiska ee dalka Nepal.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts