HomeCaalamkaKu-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo la dilay

Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya oo la dilay

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabi jirey C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqob” ayaa la sheegay in shalay galab lagu dilay duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday meel 3-KM u jirta Tuulladda Xiriiro ee Buuraha Degmadda Qandala oo  75 KM u jirta magaalladda Bosaaso ee Goblka Bari ee Maamulka Puntland.

Dhowr Gantaal ayaa la sheegay in lala helay Gaarigii uu la socday C/xakiim Dhoqob oo  noociisu ahaaa 4 wheel Driver, waxaana duqeyntaasi kula geeriyooday nin kale oo la socday, kaasi oo aan ilaa iyo haatan aan magaciisa la sheegin.

- Advertisement -

Goobjooge lagu magacaabo Maxamed Iid oo tegay tegay goobtii lagu gubay gaarigaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS in dhowr gantaal lagu dhuftay Gaarigii uu la socday C/xakiim Dhoqob, kaasi oo noociisu ahaa Suzuki.

Waxa uu intaasi ku daray inay Diyaraado Helikoptar ah dul heehaabayeeen halka lagu gubay gaarigaasi, wuxuuna xusay inay gebbi ahaan wada dhalaalay gaarigii la duqeeyey.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Puntland, C/samad Maxamed Galan oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa xaqiijiyey in duqeyntii shalay lagu dilay C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqob”.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay QM, Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia ee lagu dilay duqeyntaasi ayaa la sheegay inuu horey gacan uga geystay asaaska Unugii ugu horreeyey ee Kooxda Islaamiga ee Al-itixaad Al-islaamiyah, kadibna waxa uu ku biiray Xarakadda Alshabaab, ka hor inta uusan ku biirin Daacish-ta Somalia ee uu hoggaamiyo  Sheekh C/qaadir Muumin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories