HomeCaalamkaMadixii Hay’adda Ammaanka iyo Sirdoonka Suudaan oo is-casilay

Madixii Hay’adda Ammaanka iyo Sirdoonka Suudaan oo is-casilay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka  ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS),  Salaax C/llaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo. Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar […]

- Advertisement -

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka  ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS),  Salaax C/llaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo.

Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii  codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga.

- Advertisement -

Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo  Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib, hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah.

Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral C/fataax C/raxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi,  Saalax Gos.

Dhinaca kale, afhayeenka Boliska Suudaan, Haashim Cali ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay 20-kalena lagu dhawacay xabbado wiifto ah oo ku dhacday qaar ka mid ah Dibadbaxayaashii ee maalmihii iKhamiista iyo Jimcaha ku bannan baxaysay caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories