HomeWararSawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde. Ra’iisul Wasaaraha iyo Cristine Lagarde ayaa kulankooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Cristine Lagarde ayaa kulankooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

- Advertisement -

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Hanti dhowrka Qaranka iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sannadeedka Guga oo ah mid ay si wadajir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta, dhawaanna la filayo in go’aanno laga soo saaro.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Washington waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay guddoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim iyo guddoomiyaha Cusub ee Bangiga adduunka, David Malpas.

- Advertisement -

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqalka cad kula kulmay la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaas oo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories