HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Maanta ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo dhajiyay Gaari nooca Soomaalida u taqaano SRUF ayaa ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho,iyadoo wadada xiligaas ay aheyd mid Mashquul ah. Dad goobjoogayaal ah oo […]

- Advertisement -

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Maanta ka dhacay qeybo kamid ah Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo dhajiyay Gaari nooca Soomaalida u taqaano SRUF ayaa ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Muqdisho,iyadoo wadada xiligaas ay aheyd mid Mashquul ah.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan,isla markaana jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir,iyadoona uusan geysan wax Khasaaro ah.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Gaariga qarxay uu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda,isagoona ka badbaaday,waxaana xiliga uu qarxayay Gaariga uu ku yaalla wadada dhinaceeda.

Sida caadada aheyd goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska,kuwaasi oo xiray Wadada,isla markaana waxaa intaas hakad ku jiray isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsigii ku yaallay halkaas,hayeeshee markii dambe dib ayay u fureen Ciidamada.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlgalo amniga lagu xaqiijiyo sida ay horey u sheegeen laamaha amniga dowladda Soomaaliya,waxaana weli xiran qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories