HomeWararShirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho

Shirka isku xirka Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dar-dargelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,dadaalada aqoonsiga caalamiga ah loogu raadinayo baasaborka Soomaaliga iyo xoojinta wadashaqeynta laamaha Hay’adda ayaa kamid ah waxyaabha looga hadlayay shirka 3-billaha aha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kaasoo furitaankiisa ay kasoo qeybgaleen Wasir ku xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumada Federaalka ah,Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,bulshada […]

- Advertisement -

Dar-dargelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,dadaalada aqoonsiga caalamiga ah loogu raadinayo baasaborka Soomaaliga iyo xoojinta wadashaqeynta laamaha Hay’adda ayaa kamid ah waxyaabha looga hadlayay shirka 3-billaha aha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kaasoo furitaankiisa ay kasoo qeybgaleen Wasir ku xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Amniga Xukuumada Federaalka ah,Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,bulshada rayidka ah iyo xafiisyada dambi baarista Booliska iyo Xeer-ilaalinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Kornel Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) ayaa isbadalka iyo hormarka ay hay’adda sameyenyso ka sokow shirka ka sheegay in aqoonsiga baasaborka Soomaaliga uu heer wanaagsan marayo dalal Yurub ka tirsan ay aqoonsadeen kuwa kalana ay hada ku howlan yihiin Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

- Advertisement -

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mudane Maxamed C/laahi Tuulax waxa uu muujiyay in siweyn loogu baahan yahay in adeega baasaboorka iyo qaadashadiisa loo daadajiyo ilaa heer degmo isagoo sheegay in loo baahan yahay hay’adda Soccdaalka iyo Jinsiyydda iyo Gobolka Banaadir ay iska kaashadaan kahortagista dokumintiyada been abuurka ah ee la sameysto mararaka qaar kahor dalbashada Baasaborka

Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha XFS mudane Cabdinaasir Saciid Muuse iyo mudane Maxamuud Maxamed Boonow ayaa dhankooda balanqaaday inay ka shaqeynayaan sidii Xukuumada loogu gudbin lahaa sharciyada muhimka u ah howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo wax ka qabashada caqabadaha heysta shaqaalaha Hay’adda

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadlay islamarkaana aragtidooda ku biiriyay dardaragalinta Howlaha Hay’da Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kamid ah xubno kaoscday Bulshada rayidka ,laanta dambi barista Booliska Soomaaliyeed Iyo xeer-ilaalinta qaranka waxaana shirkan uu qeyb ka yahay kulamada lagu diyaariyo laguna qiimeeyo qorshayaasha lagu hormarinayo howlaha iyo adegyada ay buskhada u heyso Hay’adda Socdaalka.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories