HomeWararBritain oo Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ka bilowday Gobollo ka tirsan Somalia

Britain oo Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ka bilowday Gobollo ka tirsan Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Dowladda Britain ku leedahay Somalia ayaa lagu sheegay in la bilaabay Barnaamij lagu xoojinayo Nidaamka Caafimaadka, laguna kordhinayo helitaanka Tayadda Adeegga Caafimaadka ee Somalia. War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Barnaamijka Caafimaadjka Somalia iyo Nafaqaynta Somalia (The Somali Health and Nutrition (SHINE)  looga dan leeyahay in lagu hagaajiyo  Heerka Caafimaadka iyo […]

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Dowladda Britain ku leedahay Somalia ayaa lagu sheegay in la bilaabay Barnaamij lagu xoojinayo Nidaamka Caafimaadka, laguna kordhinayo helitaanka Tayadda Adeegga Caafimaadka ee Somalia.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Barnaamijka Caafimaadjka Somalia iyo Nafaqaynta Somalia (The Somali Health and Nutrition (SHINE)  looga dan leeyahay in lagu hagaajiyo  Heerka Caafimaadka iyo Nafaqada ee Somalia, iyadoo si khaas ah diiradda loo saarayo Haweenka iyo Carruurta.

- Advertisement -

Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ee SHINE oo ay hoogaaminayaan Hay’addaha Caafimaadka ee Somalia waxaa laga fulin doonaa Goballadda Banaadir iyo Galgaduud, iyadoo Hay’adda Samafalka MERCY ee laga leeyahay dalka Maraykanka hawsha ka fulin doonto Gobalka Galgaduud, halka Hay’adda Action Against Hunger (AAH) ka fulin doonto Gobalka Banaadir.

Hay’adda Dowladda Britain ugu qaabilsan Gargaarka ee UKAid ayaa maalgelinaysa Barnaamijkaasi oo Somalia ka bilowday sannadkii 2016-kii, wuxuuna socon doonaa ilaa sannadka 2021-ka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories