HomeMaqalDhageyso:-Shirka tubta Siyaasadda loo Dhanyahay oo looga hadlay Maqaamka Muqdisho + Sawirro

Dhageyso:-Shirka tubta Siyaasadda loo Dhanyahay oo looga hadlay Maqaamka Muqdisho + Sawirro

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda. Kulanka maanta ayaa ugu horrayn waxaa looga dooday xulashooyinka Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelanaayo ee la midka ah hannaanyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlay Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed iyo Maqaamka Caasimadda.

Kulanka maanta ayaa ugu horrayn waxaa looga dooday xulashooyinka Hannaanka dawladnimo ee Qaranka Soomaaliyeed uu yeelanaayo ee la midka ah hannaanyada dawladeed ee caalamka ka jira, waxaana la isku af-gartay in doodda la sii wado, natiijada kasoo baxdana lagu soo celiyo tubta siyaasadda loo dhanyahay.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale ka dooday maqaamka caasimadda Soomaaliya ay ku yeelanayso hanaanka federaaliga ah ee dalka, waxaana xulashooyin sedax ah oo shirka lagu soo bandhigay iyana laga yeeshay dood ballaaran.

Ugu dambayn shirka ayaa looga hadlay wax-qabadkii tubta siyaasadda loo dhanyahay ee sedaxda bilood ee ugu horraysay sannadkaan 2019, iyada oo ku-simaha Ra’iisul wasaaruhu faray dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubta in ay soo gudbiyaan wax-qabadkoodii.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii uu soo dhamaaday Shirka,kadib warbaahinta la hadlay.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts