HomeWararDhageyso:-Duqa Muqdisho ”Ma jirto qof ka hor imaan karta Go’aankii EX-Mariino Maleeshiyaadna...

Dhageyso:-Duqa Muqdisho ”Ma jirto qof ka hor imaan karta Go’aankii EX-Mariino Maleeshiyaadna keensan karta”

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa mar kale ka hadlay digreetadii horay uga soobaxday xafiiskiisa ee lagu mamnuucay in lasii degnaado dhulkii ciidanka badda iyo guryihii taliyaha ciidankaas. Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in weli go’aankaas uu sidiisii yahay isla markaana ay jiraan siyaasiyiin degan dhulkaas oo ku andacoonaya in […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa mar kale ka hadlay digreetadii horay uga soobaxday xafiiskiisa ee lagu mamnuucay in lasii degnaado dhulkii ciidanka badda iyo guryihii taliyaha ciidankaas.

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in weli go’aankaas uu sidiisii yahay isla markaana ay jiraan siyaasiyiin degan dhulkaas oo ku andacoonaya in ay u heystaan warqado cadeynaya in ay siiyeen dowladihii dalka soomaray hase’ahaatee uu tilmaamay in ay ka dalbadeen in ay horyimaadaan lana eego sax ahaanshihiisa.

- Advertisement -

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in aysan jirin cid ka hor imaan karta go’aankiisii ahaa in laga guuro dhulkaas si loo dejiyo diblumaasiyiinta,isaga oo intaas kusii daray in aan la aqbali doonin in la keensado maleeshiyaad sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in sharciga la hor keeni doono cid kasta oo dhibaato ka geysatay dalka shacabkunna ay la xisaabtami doonaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories