HomeCaalamkaDowladda Pakistan oo ka digtay weerar kaga yimaada Hindiya

Dowladda Pakistan oo ka digtay weerar kaga yimaada Hindiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud Qureyshi waxa uu maanta sheegay inay Dowladda Hindiya qabanqaabinayso weeraro Milliteri oo dheeraad ah oo ay bartamaha bishan ku soo qaadaan dalkiisa. Wasiirka oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Multan waxa uu sheegay inay hayaan xog Sirdoon oo lagu kalsoonaan karo inay Milliteriga Hindiya abaabul ugu […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud Qureyshi waxa uu maanta sheegay inay Dowladda Hindiya qabanqaabinayso weeraro Milliteri oo dheeraad ah oo ay bartamaha bishan ku soo qaadaan dalkiisa.

Wasiirka oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Multan waxa uu sheegay inay hayaan xog Sirdoon oo lagu kalsoonaan karo inay Milliteriga Hindiya abaabul ugu jiraan dagaalkaasi.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyeen Cabashadda arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay  Beesha Caalamka inay wax ka qabtaan mas’uuliyad-darradda Dowladda Hindiya ku qorsheynayso dagaal ka dhan ah dalkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay inay xog ku hayaan inay Milliteriga Hindiya qorsheynayaan inay bishan April 16-da ilaa 20-da so oqaadaan weerarka daandaansiga leh.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories