HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan muhiim ah yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan muhiim ah yeelanaya

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka 3-aad Kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha April 2019, ayaa waxaa looga doodi doonaa xaalada amniga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid xun. Sidoo kale […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka 3-aad Kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha April 2019, ayaa waxaa looga doodi doonaa xaalada amniga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid xun.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Su’aallo  xaalada amni ee dalka ka weeydiin doona Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada,kuwaasi oo Guddoonka Golaha Shacabka ugu yeeray Maalin kahor inay hor-yimaadaan Xildhibaanada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiran kulan,isla markaana laga doonayo inay kasoo geyb galaan.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaanta saakay Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwo kabaxa Xarunta Galaha Shacabka ee Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories