HomeCaalamkaMagaalooyin ku yaalla Iiraan oo looga qaxay Roobab daadad watay

Magaalooyin ku yaalla Iiraan oo looga qaxay Roobab daadad watay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Dowladda Iiraan waxay maanta amar  ku bixisay in dadka laga so odaad-gureeyo 6 Degmo oo ku yaalla Gobalka Khusestan ee K/bari ee dalkaasi oo daadadku go’doomiyeen. Guddoomiyaha Gobalkaasi, Qulamareza Sharayati oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka u daad-gureynayaan dadka goobo ay ku badbaadaan, o oay ku jiraan 3 Xero […]

- Advertisement -

Dowladda Iiraan waxay maanta amar  ku bixisay in dadka laga so odaad-gureeyo 6 Degmo oo ku yaalla Gobalka Khusestan ee K/bari ee dalkaasi oo daadadku go’doomiyeen.

Guddoomiyaha Gobalkaasi, Qulamareza Sharayati oo ka hadlay Telefishinak Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay inay Kooxaha Gurmadka u daad-gureynayaan dadka goobo ay ku badbaadaan, o oay ku jiraan 3 Xero Milliteri.

- Advertisement -

Amarka Daad-gureyntan ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo inay Roobab mahiigaan ka da’aan oo daadad wata.

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu bilaabay in laga cabsi jabo inay karaarka goostaan Biyo-xireenadda oo  buux dhaafay, laguna hawlan yahay sidii loo yarayn lahaa biyaha ku jira kaydadka biyo-xireenaddaasi.

Dwoladda Iiraan waxay sheegtay in dad lagu qiyaasay ugu yaraan 70 qof ku geeriyoodeen roobabka  weli ka da’ayo guud ahaan dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories