HomeWararQoyska Haweeney Hindi ah oo laga badbaadiyey Somalia oo sheegay inuu Saygeeda...

Qoyska Haweeney Hindi ah oo laga badbaadiyey Somalia oo sheegay inuu Saygeeda cidleeyey, kana dhoofay

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Afreen Begum oo 33-jir  iyo saddexda carruur ah ayaa waxay dib ugu laabteen magaalladda Haydarabad oo ay qoyskeedu deggan yihiin, kadib, markii muddo ku dhow hal sanno afduub loogu haystay magaalladda Mudisho. Booliska Somalia ayaa la shegay inay ku guuleysteen inay Qoyskaasi soo badbaadiyeen bishii la soo dhaafay ee March 28-dii, inkastoo aan wax faahfaahin […]

- Advertisement -

Afreen Begum oo 33-jir  iyo saddexda carruur ah ayaa waxay dib ugu laabteen magaalladda Haydarabad oo ay qoyskeedu deggan yihiin, kadib, markii muddo ku dhow hal sanno afduub loogu haystay magaalladda Mudisho.

Booliska Somalia ayaa la shegay inay ku guuleysteen inay Qoyskaasi soo badbaadiyeen bishii la soo dhaafay ee March 28-dii, inkastoo aan wax faahfaahin ah laga bixinin qaabka uu u dhacay Hawlgalkaasi sababo la xiriira dhinaca Ammaanka.

- Advertisement -

Warbaahinta Hindiya waxay qoreen in qoyskaasi lagu soo badbaadiyey Hawlgal ay iska kaashadeen Boliska Somalia iyo Safaaradda Hindiya ku leedahay Nairobi.

Afreen Begum iyo saddexdeeda gabdhood markii ay dib ugu laabteen dalkodoa hooyo, waxay u mahad celisay Ra’isul-wasaaraha Hindiya, Narendra Modi oo ay sheegtay inuu suurto-geliyey in  la soo badbadiyo, kadib, markii uu la hadlay Madax ka tirsan Dowladda Somalia.

Wareysi ay siisay Wargeyska caanka ee The Times of India waxay ku sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay dib ugu soo laabtaan qoyskooda ku nool magaalladda Haydarabaad, balse waxay xustay inay khibrad cabsi leh ka baratay muddadii  ay iyada iyo gabadheeda ku xayirnaayeen magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigtay.

- Advertisement -

Waxay kaloo si kooban uga hadashay qaabkii lagu soo badbaadiyey waxayna tiri: “Qolkayga waxa uu lahaa daaqad yar, markii aan helay Calaamadda Baaqa, waxaan bannaanka uga soo baxay guriga”.

Faahfaahin kale kama aysan ka bixinin qaabka uu u dhacay hawlgalka lagu soo badbaadiyey.

Dhinaca kale, Qoyska haweeneydaasi oo iyagana la hadlay Wargeyska The Times of India waxay sheegeen in Saygaay u dhaxdo Afreen Begum oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Ducaale inuu iyada Iiyo carruurteeda ku cidleeyey magaalladda Muqdisho, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxayna intaasi ku dareen in  Maxamed Xuseen Ducaale oo haysta dhalashadda dalka Canada uu dib ugu laabtay Kanada, isagoo aan wax sabab iyo caddayn kale u sheegin qoyskiisa.

Lammaanaha Maxamed Xuseen Ducaale iyo Xaakiisa Afreen Begum ee u dhalatay Hindiya ay is-guursadeen sannadkii 2013-kii, iyadoo uu saygeeda ku noolaa, kana shaqeyn jirey Shirkad Khaas oo ku taalla magaalladda  Hydarabaad ilaa sannadkii 2018-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories