HomeWararMadaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay booqasho ku joogeen Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,xubno ka tirsan labada Golle ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay booqasho ku joogeen Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,xubno ka tirsan labada Golle ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

- Advertisement -

Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Muqdisho u tegay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga jiray ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo, isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam ayaa markii uu dib laabtay Kismaayo la kulmay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

- Advertisement -

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa soo kabashada Soomaaliya gaar ahaan Nabadgalyada iyo hormarinta iyo Xaaladaha Geeska Afrika ka taagan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories