HomeCaalamkaMareykanka oo xayiray Diyaaradihii Dagaalka  F35 ee Turkiga laga iibin lahaa

Mareykanka oo xayiray Diyaaradihii Dagaalka  F35 ee Turkiga laga iibin lahaa

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Saraakiisha Maraykanka oo la hadlay dhigooda dalka Turkiga waxay ku wargeliyeen inaan Shixnado kale oo dheeraad ah oo Diyaaradaha F35 loo soo diri doonin Turkiga. Tallaabadan  ayaa timid, kadib, marki ay Dowladda Turkiga ku adkeysatay inaysan ka laaban doonin Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsanayaan. Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu si cad ugu […]

- Advertisement -

Saraakiisha Maraykanka oo la hadlay dhigooda dalka Turkiga waxay ku wargeliyeen inaan Shixnado kale oo dheeraad ah oo Diyaaradaha F35 loo soo diri doonin Turkiga.

Tallaabadan  ayaa timid, kadib, marki ay Dowladda Turkiga ku adkeysatay inaysan ka laaban doonin Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsanayaan.

- Advertisement -

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu si cad ugu gacan sayray shuruudaha ay Maraykanka ku xireen in laga iibiyo Diyaaradaha Dagaalka ee F35, kuwaasi oo uusan Raadaarku qaban karin.

Dhinaca kale,  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Kafasoglu ayaa la filayaa inuu Madaxda Maraykanka kala hadlo arrintaasi, kadib, marka uu isbuucan booqasho ku tago magaalladda Washington, oo uu ka furmi doono Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories