HomeWararSawirro:-RW Kheyre oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhiga 5-aad...

Sawirro:-RW Kheyre oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo oo furay Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka Sare

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka ah madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu uga hadlay dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga qaranka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka , qaan-gaarsiinta federaalaynta, bixinta adeeegyada bulshada, la […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka ah madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu uga hadlay dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga qaranka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka , qaan-gaarsiinta federaalaynta, bixinta adeeegyada bulshada, la dagaalanka argagaxisada, qorshaha sugidda amniga caasimadda

- Advertisement -

Amniga

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaaa khudbaddiisa ku sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, in la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka, in lagu guulaystay tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in dawladdu ku haminayso in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro Al-shabab, in dawladdu ay dib ula wareeegtay xaruma markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in iyada oo ciidanka xooga dagaal kula jira Al-shabaab , hadana mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta.

- Advertisement -

Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayr ayaa xusay in dawladdu kor u qaaday dakhliga gudaha kasoo xarooda, hagaajisay maamulka maaliyadda, samaysay Miisaaniyad isu dheelli tiran, ku guulaysatay in aan dayn dheeraad ah aysan qaadan, in dib u habayn lagu sameeyay hannaanka aruurinta canshuurta, in Qarashaadka dawladda laga bixiyo hal meel iyo dawladdu ay soo buuxisay dhammaaan shuruudihii cafinta daymaha mar dhawna ay dawladdu saxiixayso heshiiskii ugu dambeeyay ee daynta looga cafin lahaa, uuna rajaynayo in Dayn cafis hor-dhac ah Soomaaliya loo sameeyo ugu dambayn bilaawga sannadka 2020.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo hufnanta dawladdu ay keeneen in la aamino, Midawga Yurub iyo Bankiga adduunkuna ay siiyaan lacago toos loogu shubayo qasnadda dawladda.

Qaan Gaarsiinta Federaalaynta

Ra’iisul Wasaraha XFS ayaa sheegay in dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyeen hannaanka doorasho iyo deegaan doorasho iyo qaybsiga kheyraadka, in dawladdu diyaariyay dhammaan Xulashooyinka qodobada dastuurka ku jira ee lagala xaajoonayo dawlad gobaleedyada oo ay kamid yihiin Hannaanka cadaalada iyo asluubta, Qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo astaynta awooda dawladda, Hanaanaka dawladeed ee jamhuuriyadda, qaabaynta iyo qaan gaarsiinta dawlad gobaleedyada kumeel gaarka ah iyo Maqaabka magaalada Muqdisho ee ku yeelanayso federaalka.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumaddu diyaarisay Hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo dib-u-eegis lagu sameeyay, dhawaanna la hor gaynayo baarlamaanka , waxa uuna baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka hor-yaalla oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka, nabadaynta iyo geedi socodka federaalaynta.

Bixinta adeegyada bulshada

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladdu la wareegtay iskuulaad iyo isbitaallo ay horay gacanta ugu haayeen shaqsiyaad ama hay’ado gaar loo leeyahay, ayna billaawday in ay bixiso adeegyo waxbarasho iyo caafimaad, iyo in la helay dhaqaale lagu dhiso wadooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye lana dhisayo dhawaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories