HomeWararCiidanka Danab oo Al-shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah iyo wararkii ugu...

Ciidanka Danab oo Al-shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo loo yaqaano Danab oo ay wehliyaan AMISOM ayaa saaka qabsaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo hoostaga degamada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo sanadihii dambe ay gacan ku hayeen Al-shabaab

Ciidamadan ayaa labo jiho kagalay deegaanka iyagoo u maray dhinaca Mareereey halka kuwo kalena ay ka gubeen dhinaca Webiga Afgooye iyago sii maray Tuulada lagu magacaabo Cumar Beere.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa la sheegay markii ay ka war heleen in deegaanadaas ay usoo ruqaansadeen ciidamo huwan ah ayaa waxaa  la sheegay inay deegaanadasi faarujiyeen, waxaana ciidamadaasi is garabsanayay u suura gashay iyadoo aan wax dagaal ah dhicin  inay la wareegaan gacan ku heynta deegaanadaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu dagaal kooban dhacay.

Ciidamada deegankaasi qabsaday ayaa la sheegay inay  gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab  gaari nooca booyada sida ay baahisay warbaahinta dowlada.

Dadka kunool deeganada Bariire,Daarusalaam,Mubaarak iyo Awdhiigle ee Shabeellaha ayaa bilaabay barakac xoogan ,iyagoo ka cabsi qaba inuu halkaasi dagaal ku dhexmaro Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee dhaqdhaqaaqa ka wada Gobolkaas.

- Advertisement -

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa duleedka deegaanka Bariire ay soo buux dhaafiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Al-shabaab deegaanka Bariire ay ku leeyihiin  Maxkamad weyn oo ay ugu kala garqaadaan dadka dhulalka iyo arrimaha kale ee qoyska isku heysta,sida dadka deegaanka ay sheegeen,iyagoona Caawa halkaas dadka ku dhaqan lasoo warinayo inay kusoo rogeen Bandow.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories