HomeCaalamkaDad rayid ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Yemen

Dad rayid ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Yemen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga maanta duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaASI. Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga maanta duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaASI.

Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween.

- Advertisement -

Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen.

Isbahaysiga Sacuudiga weli kama aysan hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee isbuuc gudihiisa lagu dilay dad rayid ah.

Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories