HomeWararHawlgalka QM ee Somalia oo xilli-kordhin loo sameeyey, xilli aan weli oo...

Hawlgalka QM ee Somalia oo xilli-kordhin loo sameeyey, xilli aan weli oo soo magacaabin Ergayga Khaaska ee QM ee Somalia

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Kulankoodii 8494-aad oo ay kaga hadleen in xilliga loo kordhiyo Hawlgalka UNSOM. Kulankaasi oo socday muddo 9 daqiiqo oo keliya ayaa waxay 15-ka xubnood ee Golahaasi ku ansixiyeen in  xilli-hawleedka Hawlgalka UNSOM loogu kordhiyo muddo hal sanno ah, tan iyo bisha March 31-da ee sannadka soo socda ee […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Kulankoodii 8494-aad oo ay kaga hadleen in xilliga loo kordhiyo Hawlgalka UNSOM.

Kulankaasi oo socday muddo 9 daqiiqo oo keliya ayaa waxay 15-ka xubnood ee Golahaasi ku ansixiyeen in  xilli-hawleedka Hawlgalka UNSOM loogu kordhiyo muddo hal sanno ah, tan iyo bisha March 31-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

- Advertisement -

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM kadib, waxay soo saareen Hadal-qoraal, iyagoo ku booriyey DFS iyo Maamul-gobaleedyadda inay dedejiyaan sidii loo dhamaystiri lahaa Deganaansho Siyaasadeed.

Goluhu waxa uu ka codsaday Hawlgalka UNSOM inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan sidii ay DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda u yeelan lahaayeen iskaashi aad u dhow.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku booriyeen DF iyo Barlamaanka Federalka in la dhamaystiro, isla markaana oggolaadaan Sharciga Doorashadda dhici doonta bartamaha sannadkan iyo in la hubiyo sidii ay Doorashooyinka soo socda ee Maamul-gobaleedyadda u nooqn lahaayeen kuwo ku dhaca qaab mas’uuliyad leh.

- Advertisement -

Dhinaca kale, hadalka qoraalka ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM waxay si kulul ugu cambaareeyeen weeraradii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Gobalka, waxayna hoosta ka xariiqeen inay QM sii wadi doonto sidii ay DFS iyo Hawlgalka AMISOM ugu dhiiri-gelin lahayd xoojinta Ammaanka ee Dhismayaasha Ururradda Calaamiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, halkaasi oo weerar dhacay bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan lagu dhaawacay 3 ka tirsan Hay’addaha QM IYO Qandaraaslayaal.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankii ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ku ansixiyeen xilli-u-kordhinta Hawlgalka UNSOM ayaa ku soo beegmay, iyadoo aan weli la soo magacaabin Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ee uu banneeyey Ergaygii hore Nicholas Haysom oo ay DFS dalka cayrisay bishii Janaayo 2-dii ee sannadkan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories