HomeWararUganda oo ku baaqday in dhimista Ciiddanka AMISOM lagu saleeyo xaalladdaha ka...

Uganda oo ku baaqday in dhimista Ciiddanka AMISOM lagu saleeyo xaalladdaha ka taagan Somalia

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeshay Danjirayaal ka socday Ururka Midowga Europe ee EU-da.

Kulankaasi oo  shalay ka dhacay Xarumaha Dhexe ee Wasaaradda Difaaca iyo Ciiddanka Uganda ku leeyihiin Deegaanka Mabuya ee K/bari ee caasimadda Uganda ee Kampala, waxay labada dhinac kaga wada hadleen Taageeradda ay EU-da siiyaan Ciiddanka Uganda iyo Hawlgalka AMISOM iyo Aragtida Dowladda Uganda ee qorshaha dhimista tiradda Ciiddanka AMISOM.

- Advertisement -

Diplomaasiyiinta ka socday EU-da oo uu hoggaaminayey Ambassador Attiliyo Basifiki waxay Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda ka dhegeysteen warbixin ku aadan Xaalladda Ammaanka iyo Nabadda ee Gobalka iyo doorka ay Ciiddanka Uganda kaga jiraan Hawlgalladda ka socda dalalka Somalia iyo South sudan.

Taliyuhu waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe inaysan ka daalin dadaalka ay ku bixinayaan Taageerida Hawlgalka AMISOM iyo Nabadda Somalia.

Jeneral David Muhoozi waxa uu Diplomaasiyiinta EU-da la wadaagay inay Dowladda Uganda rumeysan tahay in dhimista Ciiddanka AMISOM loo baahan yahay in lagu saleeyo Xaallad oo aan  waqti asaas looga dhigin.

- Advertisement -

“Xaalladda dhulka waa inay ahaato qoddobka ugu muhiimsan ee la tixgeliyo, marka la sameynayo Go’aanadda ku aadan Ammaanka Somalia” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral David Muhoozi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kabuta Museveni waxa uu bilowgii bishan ku hanjabay inuu Ciiddankiisa kala soo bixi doono Somalia, haddii ay QM iyo AMISOM go’aamiyaan in  la dhimo tirada Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 6,223 Askari.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories