HomeWararKenya oo markii 5-aad sheegtay inay dileen Madaxa Hawlgalladda Al-shabaab ugu qaabilsan...

Kenya oo markii 5-aad sheegtay inay dileen Madaxa Hawlgalladda Al-shabaab ugu qaabilsan dalkaas

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegeen inay duqeyn ku dileen Ahmed Iman Ali oo ah Kenyan la sheegay inuu Alshabaab ugu qaabilsan yahay  Hawlgalladda ka dhaca dalkaasi.

Sida laga soo xigtay ilo Sirdoonka Kenya waxay jimcihii sheegteen inay Sarkaalkaasi ku dileen Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Dhismo ku yaalla Degmadda Bu’aale ee Gobalka J/dhexe.

- Advertisement -

Waaxda Isgaarsiinta Ciiddanka Kenya oo lala xiriiray shalay waxay xaqiijin waayeen wararka ku aadan dilka Sarkaalkaasi, halka afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel Paul Najugna oo isagana lala xiriiray sheegay inuu shirk u jiro maanta oo dhan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kenya, Bogita Ongeri waxa u uisaga xaqiijin waayey in Sarkaalkaasi lagu dilay weerar ay qaadeen Kenya ama ciiddamo kale.

Sheegashadda Kenya ee ah inay dileen Sarkaalkaasi ma aha markii ugu horreysay, waxayna horey u sheegeen in Sarkaalkaasi lagu dilay duqeyn ay Mraaykanka qaadeen bishii Maarso ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalka ay Kenya ku sheegtay in la dilay Madaxa Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda ka dhaca Alshabaab, Ahmed Iman Ali.

 

Xigasho: Daily Nation, Kenya

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories