HomeWararSawirro:-Wararkii ugu dambeeyay Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Wararkii ugu dambeeyay Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo Maanta ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo geystay khasaaro Nafeed.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah,waxaana uu qarxay xili uu marayay meel ku dhow Isgoyska KM-4,iyadoona xiligaas wadada ay marayeen gaadiid kala duwan oo ku jiray kan dadweynaha ay raacaan.

- Advertisement -

Gaariga qarxay oo daba socday gaari kale ayaa waxaa qabsaday dab xoogan oo qiiqa iyo uurada ka kabxday laga arkayay degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir,waxaana goobta gaaray Gaadiida gurmarka deg deg ah iyo kan Dab-damiska.

Ugu yaraan 1 ruux oo dhalinyaro ahaa oo watay gaariga qarxay ayaa ku geeriyooday,halka waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo saarnaa gaari Homey ah wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxa ka dhacay ,kuwaasi oo xiray halkaasi,isla markaana markii dambe dib u furay.

- Advertisement -

Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa shalay sidaan oo kale qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay,waxaana gaarigaas lahaa Jaamacadda SIMAD,iyadoona uu ku geeriyooday Shaqaalo ka tirsanaa Jaamacadda SIMAD oo ku taalla Dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories