HomeWararSawirro:-Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyey

Sawirro:-Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyey

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku sagootiyey Garoonka Caalamigga ee Khartoum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda. Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan […]

- Advertisement -

Lataliyaha Koowaad ahna Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ku sagootiyey Garoonka Caalamigga ee Khartoum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.

Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

- Advertisement -

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan oo 78 qof ahaa ayaa ka kala yimid xeryaha qaxootiga dalalka Ereteria iyo Suudaan, badankoodna waa ilmo yar yar oo ku dhashay xeryahaas.

Dhankooda, Muwaadiniintan go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka joogtada ah ee lagu bixiyey xal u helista dhibaatooyinka ku haystay xeryaha qaxootiga, iyagoona muujiyey farxaddooda ku aadan in dib loogu celiyo dalkooda.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories