HomeMaqalDhageyso:-Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Garoowe + Sawirro

Dhageyso:-Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Garoowe + Sawirro

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland. Ujjeedada Socdaalka Wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS uu hoggaaminayo ayaa ah sddii wadatashi ku aadan Wareegga […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Garoowe ee Xarunta dawlad goboleedka Puntland, waxaana halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Ujjeedada Socdaalka Wafdiga Wasiirka Qorsheynta XFS uu hoggaaminayo ayaa ah sddii wadatashi ku aadan Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka ee Sagaalaad loola yeelan lahaa hay’adaha  Dawlad gobaleedka Puntland, Ururadda Bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo laanta sharci dejinta.

- Advertisement -

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Caydiid oo warbaahinta kula hadlay  qeybta  nasashada garoonka ayaa sheegay in maalmaha ay joogan wafdiga  uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta ay wadatashi iyo xog wareysi la yeelan doonaan Dawlad goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,  si loo adkeeyo hannaanka dowladnimmada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed ayaa sheegay in  ujeedada ugu weyn ee socdaalkoodu in ay tahay siddii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedka Puntland iyo sidoo kale wada-tahsiga Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Sagaalaad oo lala yeelanayo Hay’adaha dawladda  iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah magaaladda Garoowe lagu daahfuro wada-tashigga Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad, kaasi oo saldhig u ah geeddi socodka Deyn cafiska Soomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, si dalkeenu u gaaro Horumar.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed kana Daawo Sawiradda.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories