HomeWararBoliska Kenya oo loo fasaxay inay sii hayaan Nin lala xiriirinayo Alshabaab

Boliska Kenya oo loo fasaxay inay sii hayaan Nin lala xiriirinayo Alshabaab

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Boliska magaalladda Mandhera ayaa loo fasaxay inay sii hayaan Nin magaciisa lagu sheegay Mahad Axmed Aadan oo 34-jir ah, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab. Garsooraha Maxkamadda Mandherea,Dakun Matay ayaa sheegay in Eedeysanaha la sii hayn karo muddo 5 maalmood, ka hor inta aan Maxkamadda la soo taagin bisha soo socota ee April kowdeeda. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska magaalladda Mandhera ayaa loo fasaxay inay sii hayaan Nin magaciisa lagu sheegay Mahad Axmed Aadan oo 34-jir ah, laguna tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab.

Garsooraha Maxkamadda Mandherea,Dakun Matay ayaa sheegay in Eedeysanaha la sii hayn karo muddo 5 maalmood, ka hor inta aan Maxkamadda la soo taagin bisha soo socota ee April kowdeeda.

- Advertisement -

Eedeysnaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Kenya u yimid si uu u soo booqdo Qoyskiisa oo deggan magaalladda Mandhera.

Wargeyska The Nation ayaa qoray in Eedeysanaha habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ay Bolis ilaalo ku jirtay ku qabteen  duleeka magaalladda Mandhera.

Eedeysanaha, Mahad Axmed Aadan  oo ah Muwaadin Somali waxa uu haystaa Aqoonsiga Kaarka Muwaadinimadda somalia oo la bixiyey bishii December 3-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii iyo Dukumentiyo kale  oo muujinaya cusbooneynsiinta Qandaraas xilli kooban oo uu la soo shaqeeyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duullimaadka Rayidka ee DFS iyo  Warqadda Aqoonsiga ee AMISOM oo uu Turjumaan ahaan kula soo shaqeeyey, kuna taariikheysan bishii Janaayo 20-dii ee sannadkan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu Diyaarad ku yimid Degmadda Dhoolo, ka hor inta uusan gaari ku soo gelin magaalladda Mandhera.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts