HomeMaqalDhageyso:-Faah faahin Weerar Caawa ka dhacay Degmada Kaaraan

Dhageyso:-Faah faahin Weerar Caawa ka dhacay Degmada Kaaraan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac oo Caawa kooxo hubeysan ay ka geyteen gudaha degmadaas. Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Kaaraan Deeq Xasan Sheekh oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta dhexeeysa […]

- Advertisement -

Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay weerar isugu jiray dil iyo dhaawac oo Caawa kooxo hubeysan ay ka geyteen gudaha degmadaas.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Kaaraan Deeq Xasan Sheekh oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta dhexeeysa Xarunta Degmada iyo Saldhiga gaar ahaan Shaleemo Liibaan,isla marlaana lagu qaaday Salkaan ka tirsanaa Ciidanka dowladda iyo qof shacab ah oo la socday.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Weerarka uu dhaawac ka soo gaaray Sarkaalka ka tirsan Ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Cadaan Cali Maxamed ,iyadoona uu ku dhintay qof shacab ahaa oo la socday Sarkaalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Kaaraan Deeq Xasan Sheekh Kaaraan in kooxihii weerarkaas fuliyay ay wateen gaari nooca raaxada ah,isla markaana haatan ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falkaas.

Ugu dambeyntii Deeq Xasan Sheekh waxa uu xusay in dhowr qof ay usoo qabteen falkii Caawa ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheyan oo loo geysto Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dadka shacab ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories