HomeWararSawirro:-Madaxda dowladda oo ka qeybgalay Aas qaran oo loo sameeyay Wasiir ku-xigeenkii...

Sawirro:-Madaxda dowladda oo ka qeybgalay Aas qaran oo loo sameeyay Wasiir ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’isal wasaare Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha s
Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories