HomeWararDowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta

Dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda.

Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 1920-kii,taasi oo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii.

- Advertisement -

Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Saliid , Gaas,shidaal,dheyman iyo dahab iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

“ Tani waaa tallaabo cusub,waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee dalka,waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo baahnaa,taasi oo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka Soomaaliyeed,waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,” ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA.

Sidoo kale,waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG),ku maalgelineyso Macdanta Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda Federaalka lagu wareejiyay.

“Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay,waxaana soo dhoweyneynaa cid kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Ugu dambeyn,Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhoweeyay daah-furka shirkada cusub ee (SMMG).

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories