HomeWararPuntland oo sheegtay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Puntland oo sheegtay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka aan ka heleyno Gobolka bari gaar ahaan deegaanka Buuraleyda Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidanka amniga Puntland ee PSF howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen. Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa howlgal ka fuliyay deegaanada kala ah Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow,isla markaana sheegay in ay howlgalkaas ku dileen 19 […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka bari gaar ahaan deegaanka Buuraleyda Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidanka amniga Puntland ee PSF howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.

Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa howlgal ka fuliyay deegaanada kala ah Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow,isla markaana sheegay in ay howlgalkaas ku dileen 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab halkaasi ay uga gubeen raashin,waxaana qoraalkaas u qornaa sidan:

“Ciidamada #PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka dileen intii 19 xubnood , iyaga oo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkan laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhawaan Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni uu sheegay inay dagaal la geli doonaan Al-shabaab iyo Daacish.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories