HomeWararMuwaadin Soomaali oo horey dad Gaari ugu jiirsiiyey Kanada oo la Maxkamadeyn...

Muwaadin Soomaali oo horey dad Gaari ugu jiirsiiyey Kanada oo la Maxkamadeyn doono

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

C/llaahi Xasan Shariif oo ku eedeysan inuu weeraray Sarkaal Bolis iyo inuu gaari jiirsiiyey dhor qof magaalladda Edmonton ee dalkaasi ayaa la filayaa in bishan 28-da la soo Maxkamadeeyo.

Eedeysanaha oo 32-jir ah ayaa waxaa horey loogu soo oogay 11 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan 5 dembi oo isku-day dil ah, kadib, markii uu 2 gaari ku weeraray dadkaasi bishii September 30-dii ee sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Boliska waxay markii hore dhacdadaasi ku tilmaameen fal Argagixiso, inkastoo dacwadaha lagu soo oogin aysan wax xiriir ah la lahayn Argagixsenimo.

Eedeysnaaha ayaa la sheegay inuu Khamiistii hore xaqiijiyey inuu isagu is-difaaci doono Maxkamadda, isla markaana uu joojiyey 2 Qareen oo isaga difaacaysay.

Balse, Maxkamadeyn hordhac ah  waxaa isaga Maxkamadda u matalayey Qareen lagu magacaabo Karanpal Aujila

- Advertisement -

Dhinaca kale, C/llaahi Xasan Shariif ayaa la filayaa inuu bishan 28-da ka hor hadlo Maxkamadda, iyadoo uu Turjumaan wehlinayo.

Dhegeysiga Dacwadaai ayaa waxaa horey loo qorsheeyey inay bilaabanto bisha October ee sannadkan, balse ma kala cadda waxa bedelay jadwalka Maxkamadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories