HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Weerarkii Maanta ee Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Weerarkii Maanta ee Muqdisho

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay Alla ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada,Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay Alla ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada,Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii maanta argagaxisada ka geysatay Muqdisho.

- Advertisement -

Halkaan Hoose ka Akhriso Tacsida madaxweyne Farmaajo uu diray:-

Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday weerarkii maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah,  dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

- Advertisement -

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo Al-shabaab ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts