HomeWarar(Warbixin) Amnesty International oo ku eedeysay Milliteriga Mareykanka Dembiyo Dagaal oo ay...

(Warbixin) Amnesty International oo ku eedeysay Milliteriga Mareykanka Dembiyo Dagaal oo ay ka geysteen Somalia

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo saldhigooda dhexe ku yaallo magaalladda London ayaa soo saartay Warbixin dheer oo ay kaga hadashay Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Hawlgalladda ay Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.

Warbixinta oo loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia “The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay Amnesty International baaritaan ku samaysay 5 ka mid ahaa 100-ka duqeymaha Diyaaradeed ee ay Diyaaradaha Reaper drones iyo kuwo kale ka geysteen Gobalka Sh/hoose, oo ah Gobalka sida ballaaran u hoos taga Alshabaab, waa sida ay Hay’addu qortay.

- Advertisement -

Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM waxaa weli beegsiga koowaad u ah Gobalkaasi tan iyo sannadkii 2007-dii.

Warbixinta cusub ee ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International shalay soo saratay waxay ku xustay inay caddaymo ka soo ururiyeen 150 qof oo la wareystay ama codadkooda laga qabtay iyagoo ku sugan  goobaha ka baxsan Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay kaloo sheegtay in dadka la wareystay ay ku jiraan Goobjoogayaal , Qaraabadda  Marxuuminta ku geeriyootay duqeymahaasi, Khubaro ka tirsan Milliteriga Maraykanka iyo sawiro lagu qaaday Dayax-gacmeedka.

- Advertisement -

Amnesty International  waxay kaloo sheegtay inay Duqeymahaasi u muuqdaan kuwo xadgudub ku  ah Xuquuqda Aadanaha, waxayna ugu baaqday Dowladda Maraykanka inay si dhexdhexaad ah u qadaaan baaritaanka asaaska looga dhigay Xaqiiqda ama Natiijadda Warbixinta.

Warbixinta  waxaa lagu muujiyey in ugu yaraan 14-qof lagu dilay natiijadda duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ku beegsadaan Alshabaab, iyadoo Duqeymaha saddex jibaareen Maamulka Trump, lana filayo in la sii kordhiyo.

Amnesty International waxay kaloo Warbixinteeda ku xustay  inay Wareysi la yeesheen 65 Goobjoogayaal, isla markaana ay heleen Sawiro caadi ah iyo kuwo ay Dayax-gacmeedka qaadeen iyo qoraalo la soo dhigay Braaha Bulsagadda oo caddayn u ah khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymaha ay Maraykaanka ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobalka Sh/hoose.

Cilmi-baaraha Amnesty International u jooga Somalia, Abdullahi Hassan oo la hadlay Idaacadda Caalamiga  ee Deutsche Welle (DW) ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay inuu 1001%  hubo in 14 qof la dilay, halka ugu yaraan 8 kalena lagu dhawaacay 5 duqeyn oo ay diiwaan geliyeen.

Cilmi-baaraha waxa uu tilmaamay in dhibaatooyin adag laga kulmi karo haddii  la doonayo in baaritaano buuxa lagu sameeyo dhamaan Duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen gudaha Somalia, isagoo farta ku fiiqay inay inta badan duqeymahaasi ka dhaceen Deegaanadda  ay Alshabaab maamulaan.

Waxa uu intaasi ku daray in Amnesty International ku adag tahay inay tagaan goobahaasi, si ay u soo diiwaan geliyaan soo diiwaan geliyaan Tcaadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Deegaanaddaasi.

Sidoo kale, Cilmi-baaraha Hay’adda Amnesty International u jooga Somalia, Abdullahi Hassan waxa uu Wareysiga uu siiyey Idaacadda Caalamiga DW ee dalka Jarmalka  waxa uu ka digay haddii ay duqeymaha Maraykanka sii socdaan xilligan inay suurtogal tahay inay korodho khasaaraha soo gaara dadka rayidka ee ku nool Deegaanadda la duqeeynayo.

“Bishii Janaayo iyo Feberaayo oo keliya, waxay fuliyeen 24 duqeyn, haddii ay sii wadaan duqeymahaasi, waxaa laga yaabaa inay qaadaan  in ka badan 140 duqeyn sannadkan 2019-ka oo keliya” ayuu yiri Cilmi-baaraha Amnesty International u jooga Somalia, Abdullahi Hassan.

Dhinaca kale, La-taliyaha Sare Amnesty International kala taliya Qalalaasaha, Hubka iyo Hawlgalladda Milliteri, Brain Castner oo isagana la hadlay Idaacadda DW ee Jarmalka waxa uu ku eedeeyey  inay sir ka dhigaan walaaca doorka Ciiddankooda ku sugan Somalia iyo in dagaalka sokeeye laga dhigto  muuqaal Qiiq la isaga qarinayo  Xasaanadda xad-gudub la’aanta.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay xaqiijiyeen inay qaadeen ugu yaraan 4 ka mid ah Duqeymaha ay Amnesty International sheegtay in lagu dilay 14 qof oo rayid ahaa.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay  AFRICOM waxay ku sheegeen inay ka war hayaan wararka sheegaya khasaaro dad rayid ka soo gaaray duqeymahaasi, isla markaana ay dib u eegi doonaan warbixinta ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta  cusub ee Amnesty International ee loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia “The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay DFS iyo dowladda Maraykanak ku guul-daraysteen inay baaritaano ku sameeyaan eedeymaha sheegaya in 14 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117-kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018-kii.

Xigasho: Deutsche Welle (DW).

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories