HomeWararSomalia oo ka qeyb-geli doonta Shirweyne looga hadlayo dadkii Muslimiinta ee lagu...

Somalia oo ka qeyb-geli doonta Shirweyne looga hadlayo dadkii Muslimiinta ee lagu dilay New Zealand

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay maanta in dowlaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC loogu baaqay inay isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo maalinta Jimcaha ka dhici doona dalka Turkiga. Guddiga Fulinta ee Ururka Islaamka ee OIC ayaa la sheegay inay bishan March 22-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota , kaasi […]

- Advertisement -

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay maanta in dowlaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC loogu baaqay inay isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo maalinta Jimcaha ka dhici doona dalka Turkiga.

Guddiga Fulinta ee Ururka Islaamka ee OIC ayaa la sheegay inay bishan March 22-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota , kaasi oo looga hadli doono Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay lala beegsaday Muslimiin ku tukanaysay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

- Advertisement -

Shirkaasi oo heer Wasiir ah waxaa Somalia uga qeyb geli doona Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad

Dhinaca kale, 22 Dowladood oo xubno ka ah Ururka Islaamka ee OIC ayaa xaqiijiyey inay ka soo qeyb-galkooda Shirkaasi ka dhici doona Turkiga, kuwaasi oo  ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Qatar, Indonesia, Pakistan, Afganistan, Iiraan iyo Libiya.

Shirkaasi ooh al maalin socon doona waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Wakiilladda Khaaska ee Dowladaha Islaamka u jooga Ururka OIC iyo Danjirayaal ka kala socda dalal kala duwan.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Shirkaasi oo uu kaga hadlayo Weerarkii Argagixiso ee lagu dilay ugu yaraan 50 qof oo Muslimiin ah, kuwaasi oo Salaaddii JImcaha ku tukanaysay Masjidyadda Al-nuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories