HomeMaqalDhageyso:-Xukuumadda Somalia “Waqtigeeda ayay ku dhaceysaa Doorashada Galmudug”

Dhageyso:-Xukuumadda Somalia “Waqtigeeda ayay ku dhaceysaa Doorashada Galmudug”

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiinsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doono waqtigii loogu tala galay,isla markaana uusan jiri doonin dhib u dhac ku yimaada.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu tilmaamay in bisha July ee Sanadkan 2019 ay dhici doonto Doorashada,iyadoona laga hormarin doono wadahadal.

Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ayuu xusay in looga baahan  yahay in ay xaliyaan Khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isla markaana Galmudug ay keenaan meel wanaagsan, Doorashadana ay ku dhacdo waqtigeeda.

Hadalka Wasiir Sabriye ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa,iyadoo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu sheegay in aysan dhici doonin doorasho sanadkan, hayeeshee ay ka dhici doonto doorashada saddex sano kadib.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Sabriye.

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories